Raiisal Xamsa oo dhagax dhigay Mashruuc Ganacsi oo Casri.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuc ganacsi oo casri ah, kaas oo ka kooban Sima 5-Star Hotel iyo suuq (Mall) weyn oo dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay ay ku jiraan.

Mashruucan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo dalka, wuxuuna door weyn ka qaadan doonaa horumarka dhaqaale ee dalka, gaar ahaan caasimadda. Waxa uu mashruucu abuuri doonaa fursado shaqo oo tiro badan, taas oo sare u qaadi doonta kobaca dhaqaale ee bulshada.

Munaasabadda dhagax dhigga mashruuca ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsato, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mashruucani uu caddeyn u yahay horumarka iyo isbedelka ay Soomaaliya ku talaabsaneyso, isagoo xusay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta adeegyada casriga ah iyo dhiirrigelinta maal-gashiga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaysa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaale, si loo dhiirrigeliyo maal-gashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, loona abuuro fursado shaqo oo ay ka faa’iidaystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.