Cimilada isbeddelka ah oo burbur ku keentay qoysas barakac ah: Haweenkii oo mas’uul noqday

Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa la daalaa dhacaya saameynta isbeddelka cimilada, taas oo si toos ah u burburisay noloshii ay ku tiirsanaayeen – gaar ahaan beeralayda iyo dadka xoolaha dhaqan jiray. Dhibaatooyinkaas ayaa horseeday burbur qoysas badan, halkaasoo haweenka barakacayaasha ah ay noqdeen mas’uuliyiin buuxda oo qoysaskooda quudiya.

Hooyo Maano Sheekh Abuukar, oo leh 10 carruur ah kana soo barakacday deegaanno hoostaga degmada Jowhar, ayaa sheegtay in ay lahayd beer dhan 20 hektar, taasoo ay ku beeri jirtay dalagyo kala duwan kuna maareyn jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda. Maano waxay sheegtay in daadad soo noqnoqday ay sabab u noqdeen in ay beerta lumiso, taas oo ugu dambeyntii keentay in ay isaga barakacdo deegaankeedii. Maanta waxay la nool tahay carruurteeda kaamka Al-Cadala ee degmada Garasbaaley, gobolka Banaadir.

“Markii beertii naga baaba’day oo dalagyadii khasaareen, dadkiina aan waxba naga iibsan, ayuu ninkaygii u soo barakacay Xamar,” ayay tiri Maano.

“Waxaan lahayn kalsooni iyo farxad intaan isku furneyn. Waan wada shaqeyn jirnay, laakiin isbeddelka cimiladu wuxuu kala firdhiyay qoyskeennii.”

Maanta, Maano iyo carruurteeda waxay ku tiirsan yihiin shaqooyin aan joogto ahayn sida nadaafadda guryaha. Waxay sheegtay in afar ka mid ah carruurteeda aysan xitaa sariiraha ka kicin maadaama ay nafaqo darro hayso.

Duniyo Cali Cabdi, oo ah hooyo 18 jir ah lehna laba carruur ah, ayaa iyaduna ka soo barakacday deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Duniyo waxay ku nooshahay xero barakacayaal ah oo ku taalla degmada Deyniile, iyada iyo 14 xubnood oo kale oo qoyskeeda ah.

“Ilmahan caano iyo cunto midna uma hayo. Haddii aan nasiib u yeesho wax ka soo haray deriska ayaan siiya biyo. Aabbohoodna wax biil ah ima siiyo,” ayay tiri Duniyo.

“Ninkeyga beeralay ayuu ahaa. Markii abaaraha dhaceen wuxuu bilaabay isticmaalka mukhadaraadka, wuu xanaaqi jiray oo mar walba wuu i handadi jiray. Ugu dambeyntii waan ka soo tagay.”

Dhibaatooyinka qoysaska barakacayaasha ah ee Muqdisho ku sugan, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, waxay horseedeen in carruur aan qaan gaarin lagu arko suuqyada magaalada iyagoo shaqooyin adag qabta si ay u caawiyaan qoysaskooda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in daraasado dhowaan la sameeyay ay muujinayaan in isbeddelka cimiladu yahay sabab weyn oo qoysaska Soomaaliyeed u burburaan.

Maxamuud Yasiin, oo ka tirsan wasaaraddaas ayaa yiri:

“Abaaraha, fatahaadaha, isbeddelka cimilada iyo colaadaha ka jira dalka waxay si toos ah u saameeyeen ilihii dhaqaalaha ee qoysas badan tiirsanaayeen. Tani waxay sababtay in qoysas badani burburaan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 3.6 milyan oo qof ay wajahayaan xaalado macaluul ah, kuwaasoo intooda badan ka mid yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee ay saameeyeen cimilada iyo abaaraha dalka ka jira.


Qoraaga: Naciima Saciid – Bilan Media