Cali Balcad oo Addis Ababa shir ku Gudoomiyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku shir guddoomiyay kulankii ugu danbeeyey ee ay yeesheen guddiga heer Wasiir ee dib u habaynta musharixiinta ka dhexeeya dalalka Africa ee utartami doona kuraasta ka banaan Midowga Afrika iyo Ururrada kale ee caalamka.
Wasiir Balcad waxaa kulanka ku wehliyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Aadan, Danjire Cabdullaahi Warfaa iyo Diplomaasiyiin kale duwan oo ka socday Dowladda Soomaaliya.