Gudoomiyaha SODMA oo la kulmay Ergayga Xoghaya Guud ee Q,M

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dalka Kuwait, kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, Kamal Kishore, iyo Madaxa Xafiiska Goboleedka UNDRR ee waddamada Carabta, Marwa Nora Achkar.
Dhinacyadu waxay si gaar ah uga wada hadleen doorka firfircoon ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee kobcinta awoodaha dowliga ah si loo xaddido khataraha musiibooyinka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo dadaallada lagu dardar gelinayo hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, taasoo muhiim u ah qorshayaasha ka-hortagga musiibooyinka ee dalka.