Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro), ayaa kulan gaar ah la yeeshay weriyaha caanka ah ee warbaahinta CNN, 𝐌𝐫. 𝐉𝐨𝐡𝐧 𝐃𝐞𝐟𝐭𝐞𝐫𝐢𝐨𝐬 waxuuna uu uga mahadnaqey waraysigii taarikhiga ahaa ee uu la yeeshay .
Madaxweynuhu waxa uu weriyahan caanka ah ku bogaadiyey kartida, hufnaanta iyo aqoonta suxufinnimo ee uu soo bandhigay, taasoo sahashay in ay Somaliland caalamka gaadhsiiiso qaddiyadeeda, himiladeeda iyo xaqa aaya-ka-tashiga Shacabka Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah uga mahad-naqay Agaasimaha Guddida qaban-qaabada Shirkii Dawladaha Adduunka Dubai 2025-ka 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡 𝐀𝐥 𝐆𝐞𝐫𝐠𝐚𝐰𝐢 ahna Wasiir ka tisan Xukuumadda Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu wuxuu uga mahad naqay fursadda qaaliga ah ee ay siiyeen in Jam.
Somaliland ay ka qayb-gasho shirkaa Caalamiga ah, taasoo Somaliland fursad wacan u siisay in ay Beesha Caalamka la wadaagto doodeeda iyo qaddiyada madax-bannaanideeda, oo uu wakhti Madaxweynaha JSL si faahfaahsan ugu soo bandhigay sooyaalka taariikhiga ah ee Somaliland iyo xaqa ay u leedahay in ay noqoto dal madax bannaan oo ka mid ah ummadaha xorta ah.

