Madaxweyne Xasan Sheikh oo war kasoo saaray Guusha Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo diirran u diray Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta loo doortay xilkan muhiimka ah. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa horey u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna xilkan kala wareegayaa Muuse Faki Maxamed, oo muddo siddeed sano ah hayay hoggaanka hay’adda ugu sareysa Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada Maxamuud Cali Yuusuf ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyn doonto hoggaanka cusub ee Midowga Afrika si kor loogu qaado nabadda, amniga, horumarka iyo midnimada qaaradda Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqadii iyo dadaalkii uu Muuse Faki Maxamed ka geystay hannaanka nabadda iyo horumarinta qaaradda Afrika mudadii uu hayay xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Waxa uu xusay kaalintiisa ku aaddan xallinta khilaafaadka, taageerada dowlad-dhiska dalal badan, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah ee Midowga Afrika.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub, Maxamuud Cali Yuusuf, inuu ku guuleysto mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Midowga Afrika uu sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka.

May be an image of text