Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa dhawaan kormeer shaqo ku tegay xarumaha kala duwan ee booliska, kuwaas oo kala ah:
-
Xarunta Baarista Dambiyada ee CID: Taliyaha ayaa booqday xaruntan si uu u qiimeeyo habsami u socodka hawlaha baarista dambiyada iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidanka ee la dagaallanka falalka sharci-darrada ah.
-
Qeybta Nabad-gelyada Wadooyinka: Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hagaajin lahaa amniga wadooyinka iyo nidaamka taraafikada, iyadoo la dardargelinayo wacyigelinta bulshada iyo fulinta shuruucda wado-marista.
-
Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye: Taliyaha ayaa kormeeray dugsigan si uu u hubiyo tayada tababarka la siiyo ciidanka cusub iyo kuwa hore, isagoo ku booriyay inay sare u qaadaan xirfadaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay ugu adeegaan bulshada.
-
Xarunta Birmadka Booliska: Xaruntan oo dib-u-habeyn lagu sameynayo ayuu taliyaha booqday, isagoo u kuurgalay horumarka shaqooyinka socda iyo baahiyaha jira si loo dhammeystiro dib-u-habaynta, taasoo kor u qaadi doonta awoodda ciidanka ee ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah.
Kormeerka Taliyaha ayaa salka ku haya isla xisaabtanka iyo korjoogteynta shaqada, waana qeyb kamid ah fulinta ballan-qaadyadii uu bulshada u soo jeediyey markii uu xilka la wareegay. Tani waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay hogaanka booliska in la xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada amniga ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.




