Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Galmudug Abdulahi Warsame oo Kormeeray Adeegga Korontada Cadceeda laga dhaliyo (Solar System-ka) ee laga hirgaliyey Xarumo Caafimaad.

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Abdulahi Warsame Roble, ayaa kormeer ku sameeyay hannaanka Solar System (koronto qorraxeed) ee wasaaraddu ka hirgelisay xarumo caafimaad oo xanaanada xoolaha ah.

Mashruucan ayaa lagu doonayo in koronto joogto ah lagu siiyo xarumaha caafimaad ee xoolaha, si shaqada xarumuhu u sii socoto habeen iyo maalin, iyada oo la’aan koronto aysan suurtagal u noqon lahayn adeegyadan muhiimka ah.

Afhayeen Abdulahi Warsame Roble ayaa sheegay in Xarumaha Laga Hirgeliyay degmooyin ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Hobyo iyo Wisil, isagoo intaa ku darey in Wasaaradda ay mashruucan kala shaqeeyeen dhowr hay’ado gargaar iyo horumarineed oo muujiyay doorkooda taageero ee dhinaca dhaqaalaha, qalabka, iyo farsamada.

Hannaanka cusub ayaa laga filayaaa in xarumaha caafimaadka xooluhu ay si joogto ah u shaqeeyaan iyo In adeega xanaanada xoolaha sare u kaco, In la helo koronto nadiif ah oo waarta.

Â