Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Deegaanka Qoryaale ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ka wada dardar galinta howlgalka lagu ciribtirayo Argagixisada ayaa maanta dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka Deegaanka ee ku sugan Deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay masuul ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne Xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Masuuliyiin kale.
Taliyaha ayaa Geesiyadan ku dhiira galiyay doorka Dagaalka Argagixisada iyo sida naf hurnimada leh oo ey Deegaanadooda ugu difaaceen Khawaariijta
Geesta kale Janeraal Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan u balan qaaday dhan waliba iney u garab taagan tahay DFS Saad iyo Saanad intaba dhaawacooda gurmad deg deg ah uu heli doono.
Ciidamada xaq u dirirka Deegaanka ayaa kaalin adag ku leh Dagaalka Dalka looga Xureynayo Argagixisada.