Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor timid damaca Maraykanka iyo Israa’iil ay is tusiyeen ee ah in si qasab ah loo barakiciyo Shacabka Magaalada Gaza si loo geeyo Dalal ay ku jirto Liiska labadaas waddan saraakiil katirsan ay shaaciyeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay la aqbali karin in iskaba dhaafee in ay qaabilaan Dadka Falastiin ee awoodda lagu barakicinayo in ay Soomaaliya diidan tahay in lagu xadgudbo iyaga oo dhulkooda jooga.
Soomaaliya ayaa kamid ahayd Dalalka sida cad u diidan in la dhibaateeyo, la barakiciyo ama la duqeeyo Shacabka Falastiin, Shirar kala duwan oo ay ka qaybgashay ayay sidaas ku sheegtay waxaana ugu dambeeyay kulankii ka dhacay Magaalada Qaahira ee Masar.