Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Carta oo ah halkii lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.
Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee maanta booqday magaalada Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jabuuti, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti, Maamulka magaalada, waxgarad iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shacabka Carta uga mahad celiyay martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan shacabka iyo Madaxwaynaha Jabuuti hiilka walaaltinimo ee ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliya.




