Dhuusamareeb-18-April-2025:_ Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug State, Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa maanta xarunta Bangiga Dhexe ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Aanas.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa socdaal uu Xisaabiyaha Guud ku marayo hay’adaha maaliyadeed ee dowlad-goboleedyada dalka, ujeeddadiisuna tahay xoojinta wada-shaqeynta, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Intii uu socday kulanka, Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug, Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda:
• Horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee Galmudug.
• Iskaashiga joogtada ah ee dhanka maamulka dhaqaalaha.
• Xoojinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee dalka.
Maamulaha ayaa caddeeyay in Bangiga Dhexe ee Galmudug ay ka go’an tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed, si loo dhiso nidaam maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo, laguna dhiirrigeliyo maalgashi iyo horumar waara oo gobolka ah.
DHAMMAAD.