Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Xubin ka tirsan Golaha FIFA ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Djibouti, Mudane Suleyman Waaberi.
Soo dhaweyntaasi oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxaa Wasiir ku xigeenka ku wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan bahda isboortiga, sida Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed (Shiino), Agaasimaha Isboortiga ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Saacid , qeybaha kala duwan ee bahda ciyaaraha dalka , Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Booqashada Gudoomiye Suleyman Waaberi ee Muqdisho ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka isboorti ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Djibouti, iyo sidoo kale horumarinta kubadda cagta guud ahaan gobolka.
Mas’uuliyiinta soo dhaweynta ka hadlay oo Wasiir Dahabo ugu horeysa ayaa dhamaantood muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada dhinacyada horumarinta ciyaaraha labada dal ee dhalasho wadaaga ah gaar ahaan kubadda cagta oo ah ciyaarta ay u badan yihiin dhalinyarada.




