Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Raiisal Wasaaraha Jabuuti oo Kulmay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kamil Maxamed kadib booqasho uu ku tegey jabuuti.
Si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo derisnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, kulanka Intii uu socday waxa looga hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta diirran iyo martigelinta, isagoo sheegay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.