Wariye: Sadia Nor – Bilan Media
Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha iyo Sayniska, taasoo lagu bogaadinayo dadaallada gabdhaha ee barashada iyo ka shaqeynta culuumta Science, Technology, Engineering & Mathematics (STEM). Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaran.
Mustaf Yaasiin, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, oo halkaas ka hadlay ayaa xusay caqabadaha ay haweenku kala kulmaan xirfadaha STEM.
“Sababaha keeni kara in haweenku ku yaraadaan STEM-ka waxaa ka mid ah in aanay haysan haween hore ugu guuleystay xirfaddan oo ay ku daydaan, marka loo barbardhigo wiilasha. Waa lama huraan in la sameeyo siyaasad dhiirrigelisa ka-qaybgalka gabdhaha ee tiknoolajiyadda iyo farsamada casriga ah,” ayuu yiri Mustaf Yaasiin.
Intii uu socday kulanka, ku dhowaad toban gabdhood oo barta culuumta ICT-da ayaa soo bandhigay mashaariic ay iyagu sameeyeen. Waxaa ka mid ahayd Caasho Cabdi Xaaji, oo si gaar ah u sharaxday mashruuceeda:
“Website-kaan waxaan ugu talagalay gabdhaha, si ay u xalliyaan caqabadaha waxbarasho. Waxaan ugu darey sanduuq wada-sheekeysi ah oo ay su’aalihiisa ku weydiin karaan, kana helaan dhiirrigelin iyo hagid.”
Lionel Laurens, Wakiilka Joogtada ah ee UNDP Soomaaliya, ayaa isna carabka ku dhuftay muhiimadda iskaashi wadareed:
“Isbeddelka dhabta ah wuxuu yimaadaa marka dowladda, bulshada, iyo dhalinyaradu si wadajir ah uga shaqeeyaan in la toosiyo fikirka bulshada loona maalgeliyo mustaqbalka gabdhaha,” ayuu yiri.
Wuxuu sii raaciyay:
“Aan u shaqeyno si midnimo leh, si gabar walba oo Soomaaliyeed ay u hesho fursad ay ku gasho, kuna hogaamiso dhijitaalka caalamka. Tani waa dan ay leedahay iyada, laakiin sidoo kale waa dan qaran.”
Maxamed Aadan Cali, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, ayaa soo xiray kulanka, isagoo ammaanay dadaalka gabdhaha:
“Gabar walba oo halkaan timi waxay u timid si ay xal ugu hesho baahi jirta, waxayna u xallisay si dhijitaal ah,” ayuu yiri wasiirka.
Inkasta oo caqabadaha ay haweenku kala kulmaan STEM-ka ay wali jiraan, hadana waxaa jirta rajo cusub kadib markii sanadkii 2019 lagu daray maadada tiknoolijiyadda manhajka dugsiyada dalka. Khubarada waxbarashada ayaa u arka tani in ay tahay fursad cusub oo ay gabdhaha da’da yar kaga faa’iideysan karaan barashada culuumta casriga ah.