Qorista Buug Af-Soomaali Ah oo U Gaar Ah Dadka Maqalka Naafada ka ah.

Farhiya Murad – Bilan Media

Muqdisho, Soomaaliya

Samiira Ducaale waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay kuna soo barbaartay dalka Ingiriiska (UK). Waxay ka mid tahay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, gaar ahaan naafo dhinaca maqalka ah.

Markii ay ku soo laabatay Soomaaliya, Samiira waxay si toos ah u aragtay caqabadaha hortaagan ardayda maqalka naafada ka ah. Waxay ogaatay in fursadaha waxbarasho ee carruurtaasi aad uga hooseeyaan kuwa ardayda kale, taasoo ay ugu wacan tahay faham la’aanta waalidiinta iyo bulshadaba.

“Waalidiin badan ma rumeysna in carruurtooda maqalka naafada ka ah ay waxbaran karaan, taasina waxay sababtay in carruurtaasi guryaha lagu hayo oo laga gooyo waxbarashada,” ayay tiri Samiira.

Labo sano iyo bar ka hor, Samiira waxay go’aansatay in ay ka hadasho baahiyaha dadka maqalka naafada ka ah. Waxay bilowday olole ay ku difaacayso xuquuqda waxbarasho ee carruurtaasi, iyadoo diyaarisay buug loogu talagalay baridda afka Soomaaliga iyadoo la adeegsanayo farsamada suul-dhabbaleynta (sign language).

Waxay sheegtay in buuggan ay u gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya si loogu daro manhajka rasmiga ah ee dalka.

“Waxaan u tegay Wasaaradda, waxaan u sharxay buugga iyo muhiimaddiisa. Weli taageero rasmi ah ma helin, balse dadaalka ma joojin,” ayay tiri Samiira.

Maanta, iyada oo aan helin taageero dowladda ah, Samiira waxay si bilaash ah wax u dhigtaa in ka badan 40 arday oo maqalka naafo ka ah. Arday kale oo badan ayaa sugaya, balse xaddidaadaha dhanka xarunta iyo macallimiinta ayaa hor taagan in dhammaan la gaaro.

Waxay sheegtay in:

  • Ay jeebkeeda ka bixiso mushaharka macallimiinta

  • Ay kirada goobta waxbarasho bixiso

  • Ay sidoo kale bixiso gaadiidka lagu keeno ardayda

Samiira waxay sidoo kale sheegtay in buuggeedu uu faa’iido u leeyahay waalidiinta, si ay si toos ah ula xiriiri karaan carruurtooda maqalka naafada ka ah.

Marka laga soo tago dhanka waxbarashada, Samiira waxay tilmaantay in caqabad weyn ay ka jirto isfahanka bulshada iyo adeegyada muhiimka ah:

“Dhibku wuxuu ka jiraa meel kasta oo bulshadu isugu timaaddo – maxkamado, saldhigyo boolis, baarlamaanka. Ma jiro turjubaan fahmaya dadka maqalka naafo ka ah. Waa muhiim in arrintaasi wax laga qabto,” ayay tiri.

Samiira Ducaale waa tusaale nolosha dhabta ah ee qof hal-abuurnimo, samir iyo naf-hurnimo u adeegsaday sidii uu u beddeli lahaa mustaqbalka carruur aan codkooda la maqlin.