Askari Boolis oo Lagu Dilay Guriceel Xilli Howlgal Lagu Jiray.

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: [15/06/2025]-Taliska Booliska Degmada Guriceel, Galgaduud.
Taliska Booliska Degmada Guriceel wuxuu si rasmi ah u xaqiijinayaa geerida Marxuum Ex-Dable Boolis Axmed Cabdi Cabdulle (Dhagjuun) oo ka tirsanaa ciidamada Booliska degmada Guriceel. Marxuumka ayaa ku geeriyooday gudaha degmada Guriceel, xilli uu ku guda jiray howlgal amni oo rasmi ah oo Ciidanka Booliiska ka fulinayeen degmada.
Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, waxayna ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan eedeysane lagu magacaabo Cabdisalaan Maxamed Gutaale, oo loo haysto falka dilka ah ee sababay geerida marxuumka. Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliska.
Taliska Booliska Guriceel wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, iyo dhammaan bahda ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryaya in uu naxariistii janno ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan dadka uu ka baxay.
DHAMMAAD