SAWIRO:- Madashii Xalka Waara ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Si Rasmi ah loo Soo Gunaanaday Caasimada Galmudug.

Dhuusamareeb – Galmudug | Arbaco, 9-ka Luulyo 2025
Waxaa si rasmi ah u soo xirmay Madasha Aragti-Wadaagga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ee Xalka Waara, taasoo socotay muddo afar maalmood ah, laguna qabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madashan oo muhiim u ahayd isku-dubaridka iyo mideynta dadaallada xalka waara ee dalka, waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Haile, oo ay garab taagneyd Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaranka ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara (NCRDS), Marwo Zahra Cabdi Maxamed.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay tilmaameen in shirkan uu ahaa fursad muhiim ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Waddooyinka Xalka Waara (NSP 2024–2029), iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer qaran iyo heer dowlad-goboleed.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay:

  • Xarunta Qaranka ee Horumarinta Reer Miyiga & Xalka Waara (NCRDS)

  • Wasaaradda Qorsheynta Galmudug

  • Hay’adda Regional Durable Solutions Secretariat (ReDSS)

Waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madax iyo wakiillo ka kala socday:

  • Dowladda Federaalka

  • Dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka

  • Hay’adaha Qaramada Midoobay

  • Hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah

  • Ganacsatada

  • Bulshada rayidka ah

  • Iyo dadka barakacayaasha ah ee ay si toos ah u khusayso arrimaha xalalka waara.

Ugu dambeyn, Marwo Zahra Cabdi Maxamed waxay xustay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo waxtar leh, si bulshooyinka nugul loogu helo xalal waara. Waxay si gaar ah ugu mahadcelisay Wasaaradda Qorsheynta Galmudug martigelinta shirka, iyo dhammaan ka qeybgalayaasha doorkooda firfircoon ee ku wajahan xal waara iyo dib-u-dejin waarta.

Â