Maxaa kasoo baxay kulanka xasaasiga ah ee Madaxweynaha Puntland iyo Ergayga QM Ee Soomaaliya James Swan

Boosaaso, 26 August 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Amb. James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadantinimo.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda gobolka Calmiskaad, iyadoo Qaramada Midoobey ay ku bogaadisay Dowladda Puntland sida ay ugu dadaalayso ciribtirka kooxaha argagixisada.

— DHAMMAAD —