Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Masar qorsheynayso in ay ciidamo milatari ka howlgeliso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida xogtu tilmaamayso, ciidamada Masar oo tiradoodu gaareyso 1,100 askari ayaa degi doona saldhigga Wargaadhi, halkaas oo ay kala wareegi doonaan ciidamada Burundi ee hadda ku sugan Hirshabeelle.
Ciidamada Masar ayaa la tilmaamay in ay wehelin doonaan kooxo gaar ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka caalamiga ah ee AUSSOM, kuwaas oo iskugu jira macalimiin iyo tababarayaal oo lagu wado in ay taageeraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awooddooda dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah sida ISIS iyo Khawaarijta Al-Shabaab.
Walaaca Itoobiya
Geeddi-socodkaan cusub ayaa walaac xooggan ku abuuray Dowlada Itoobiya, oo deris la ah Soomaaliya. Itoobiya waxay ka cabsi qabtaa in joogitaanka Ciidamada Masaarida ee Soomaaliya uu sii xoojiyo xiisadda labada dal ka dhextaagan ee la xariira biyaha Wabiga Niil.
Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku hayey mashruuca weyn ee biyo-xireenka GERD ee Itoobiya ka dhiseyso webigaas, waxaana muuqata in dhaq-dhaqaaqa Masar ee Soomaaliya loo arko mid siyaasad ahaan culays ku ah Xukuumada Addis Ababa.
Saameynta Gobolka:
Haddii uu hirgalo qorshahaan, waxay falaanqeeyaasha carabaabeen in uu noqon karo tallaabo cusub oo Xukuumada Qaahira ku ballaarinayso saameynteeda gobolka Geeska Afrika. Wargaadhi oo dhowaan weerar ku qaaday Al-Shabaab balse dib ay ula wareegeen gacan ku hayn tooda ciidamada dowladda, ayaa la filayaa in uu noqdo xarun istaraatiiji ah oo Ciidama Masaarida ku yeelan doonaan.
Dowladda Federalka Soomaaliya inkastoo aysan weli si rasmi ah u shaacin qorshahan, haddana arrintan ayaa loo arkaa mid beddeli karta isku dheelitirka milatari iyo diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo ay weli muuqato in Itoobiya si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaq kasta oo Masar ku yeesho gudaha Soomaaliya.