Madaxweynaha JFS Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan Xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Waqooyi bari Soomaaliya ee dhowaan la doortay.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Ku Wajahan Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo dhanka kale Caasimad u ah Maamulka Waqooyi bari.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Senator Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ka qaybgalayaan Xafladda Caleemo saarka.
Madaxda Sare Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhismaha iyo doorashooyinka Guddoonka Maamulka Waqooyi bari, waxa ay ka rajeeyay in uu wax qabad muuqda u qabto Bulshada ku sugan Gobollada Sool, Sanaag & Cayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aya safarkiisa Laascaanood u noqonaya socdaalkii ugu horreeyay uu ku tagayo halka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre markiisii labaad u noqonaysa sida qorshuhu yahay.