Madaxweyne Firdhiye oo magaalada Laascaanood si rasmi ah uga daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha maamulka Waqooyi bari.

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha maamulkaas.

Madaxweyne Firdhiye ayaa ugu baaqay shacabka in ay si weyn uga qayb qaataan is-diiwaangelinta, si ay fursad ugu helaan doorashada hoggaamiyeyaasha u qalma in ay hogaamiyaan.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in bulshada Waqooyi Bari looga baahan yahay abaabul iyo ka qaybgal doorasho, si ay ula tartamaan maamullada kale ee nidaamka Federaalka ah ee aqoonsiga ka haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa in dadkeennu ay doorashada ka qayb galaan, is abaabulaan, si wanaagsan isu diiwaangeliyaan. Waa in aynu la tartannaa maamullada dalka, waxaana kalsooni buuxda ku qabaa in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumadda uu dhisi doono ay ku salaysnaan doonto talo wadaag iyo matalaadda shacabka. Waxa uu shacabka u ballan qaaday in maamulka uu hoggaaminayo uu xooga saari doono adeegyada muhiimka ah ee bulshada ay xaqa u leedahay.