Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Oo Laascaanood Ka Daah-furay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Magaalada Laascaanood ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha, kadib munaasabad ay ka qaybgaleen masuuliyiin sare oo heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarigga ka jaray diiwaangelinta, isagoo shacabka ugu baaqay in ay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, kana qaybqaataan doorashooyinka qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Senator Cabdullaahi Timacadde, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS ayaa iyaguna goobta iska diiwaangeliyay, taas oo calaamad u noqotay bilow rasmi ah oo howlaha codbixinta.