Madaxweyne Qoor-Qoor oo safar Rasmi ah ku tagay Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Galmudug waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Senatarro, Xildhibaanno, iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Jabuuti.