Wararka Ka imaanaya magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay ganacsade Maxamed Jabuutaawi, oo ka mid ah ganacsatada iyo shaqsiyaadka caanka ah magaaladaasi.
Go’aanka lagu soo xiray ganacsadaha ayaa waxaa bixisay Maxkamadda Gobolka Sool, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku hawlanaa mucaaradid ka dhan ah maamulka cusub ee curdanka ah ee Waqooyi Bari.
Sawirro baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya Jabuutaawi oo taagan horteeda xabsiga, iyadoo ay weheliyaan qaar ka mid ah isimada maamulka Waqooyi Bari.
Dhinaca kale, saraakiisha Booliiska maamulkaasi weli kama aysan hadlin xariga ganacsadaha.
Waxaa xusid mudan in dhowaan loo diiday Jabuutaawi inuu ka qaybqaato tartankii doorashada madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari.