Bahdo district Galmudug. Hay’ada Horn Aid oo kaashaynaysa Hay’ada UNDP ayaa ka hirgalisay kulammo wacyi galineed oo la xiriira nabada iyo xallinta khilaafaadka Degmada Bahdo Ee gobolka Galgadud Galmudug.

Ololahaan ayaa looga gol leeyahay kor u qaadida isdhex galka bulshada, yaraynta colaadaha iyo kor u qaadida xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo maamulada dawlada.

Kullamadan ayaa isugu jiray wacyi galin xaafadaha dhexdooda oo guri guri loo booqanayay, kullamo gudiyada nabada iyo xalinta khilaafaadka iyo dood wadaagyo ay ka qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada degmada sida maamulka degmada, ururada dhalinyarada, hooyooyinka, odayasha iyo culimadaba.

Hay’ada Horn ayaa hay’ad maxali ah una dhaq dhaqaada arrimaha nabada iyo xallinta khilaafaadka bulshada