Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Dalka Chana si ay uga qayb galaan shirka Wasiirada Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehlinayay Agaasimaha Waaxda Tamarta Cabdifitaax Abshir Ibraahim, ayaa safar ku gaaray magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana.
Safarka ayaa la xiriiray ka qeybgalka Shirka Wasiirrada Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Solarka (ISA Ministerial Meeting), kaas oo socday intii u dhaxeysay 2–5 Sebtember 2025.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal iyo iskaashi ku saabsan horumarinta tamarta cadceedda, waxaana ka soo qeybgalay wufuud ka socotay dhammaan dalalka Afrika ee xubnaha ka ah Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka.
Soomaaliya waxaa si rasmi ah ugu matalay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Intii lagu guda jiray maalmaha shirka, Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa booqday xarunta “Africa Largest Rooftop Solar System” oo ah nidaam tamareed koronto siiya warshado waaweyn oo ku yaalla magaalada Accra.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Solar Caalamiga, waxaana lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo ISA, gaar ahaan dhanka koronto gelinta deegaanada fogfog iyo adeegsiga tamarta cadceedda ee wax-soo-saarka, loona hormarin lahaa barnaamijka “Solar for Productive Sectors”.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga tamarta qorraxda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.