Madaxweyne Lafta Gareen oo Xariga Ka jaray garoonka Diyaaradaha Degmada Buurhakaba.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka diyaaradaha ee degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray degmada Buurhakaba ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayay garoonka cusub, kaas oo muhiimad weyn u leh isku xirka degmada iyo gobollada kale ee dalka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Baay, saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku tilmaamay dhismaha garoonkan mid wax weyn ka tari doona isku socodka dadka iyo gaadiidka hawada, isla markaana xoojin doona dhaqaalaha degmada Buurhakaba iyo guud ahaan gobolka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka in ay ilaashadaan garoonka cusub, maadaama uu ka mid yahay mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo bulshada.