Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo heer sare ah.
Shirkan oo ah shirweynihii labaad ee caalamiga ah ee looga hadlayo isbeddelka cimilada, ayaa waxaa ka soo qeyb galaya madaxda dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqon doona madaxdaasi, isaga oo shirka ka jeedin doona khudbad uu ku soo bandhigi doono xaaladda deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu kulamo doceedyo la yeesho hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ee shirka ka soo qeyb galaya, si looga wada hadlo arrimaha deegaanka iyo iskaashiga dhanka cimilada. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya yareynta dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay dhawaan daah-furtay mashruuca weyn ee biyo-xireenka Webiga Nile, kaas oo ay ka dhalin doonaan koronto, arrintaas oo sidoo kale xiiso gaar ah ku kordhinaysa kulanka caalamiga ah ee Addis Ababa.