Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sagootiyey wafdi saraakiil ah oo ka socday Ciidamada Dowladda Masar, kuwaas oo safar shaqo ku joogay dalka Soomaaliya.
Intii ay ku sugnaayeen dalka, saraakiisha Masaarida ah ayaa kormeer iyo booqasho ku tagay magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahaday, Buurane iyo garoonka Ballidoogle. Saldhigyadan ayaa lagu wadaa in mustaqbalka dhow ay ciidamada Masar, oo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ka samaystaan xarumo ciidan.
S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in booqashadan ay qeyb ka tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Waxa uu u mahadceliyey saraakiisha Masaarida iyo dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay soo dhoweynta iyo fududeynta howlaha wafdiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo wada-shaqeynta muuqata.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay horumarinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan xilligaan oo la qorsheynayo in la dardar geliyo howlgalda Ka Dhanka ah AS.