Dowlada Soomaaliya ayaa War Ka Soo Saartag Dagaalkii Saakaey ee Magaalada Ceeldheer.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal qasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in lix askari ay ku shahiideen dagaalkaasi, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen.

Dowladda ayaa sidoo kale xustay in weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday Ceeldheer si geesinimo leh looga hortagay, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxdaas.

Sidoo kale, dowladda ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya qof dhaawac ah oo ay sheegtay in lagu qabtay dagaalka, kaas oo la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday.