Magaalada Muqdisho.
Feeryahanadda caanka ah ee Soomaaliyeed, Ramla Siciid Axmed Cali, oo loo yaqaanno (Ramla Cali), ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, kaddib guullo muhiim ah oo ay ka soo hoysay tartamo caalami ah oo ay ku matashay dalkeeda Soomaaliya.
Ramla Cali ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda, iyadoo ay halkaas ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil isboorti iyo dadweyne rayid ah.
Intii ay la hadlaysay warbaahinta, Ramla Cali ayaa u mahadcelisay dhammaan dadka Soomaaliyeed ee soo dhaweynta u sameeyay, iyadoo xustay sida ay ugu faraxsan tahay in ay markale cagta soo dhigto dalkii ay ku dhalatay.
Ramla Cali ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho 16-kii September sanadkii 1989, waxayna hadda haysataa dhalashada labaad ee dalka Ingiriiska. Intii ay ku jirtay xirfadeeda feerka, waxay ka qayb gashay 11 tartan, iyadoo guulo ka gaartay 9 kamid ah.
Ramla ayaa lagu xasuustaa in ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka qaybgasha tartamada feerka caalamiga ah, isla markaana si weyn loogu ammaanay kaalinta ay kaga jirto isboortiga haweenka Soomaaliyeed ee heer caalami.