Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo digniin kasoo saaray sumcad xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo ku xadgudubka diinteenna suuban.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho isagoo ka hadlay tallaabooyin cusub oo laga qaadayo dadka adeegsada dareeska ciidanka si aan sharci ahayn.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan dad si ula kac ah isaga duuba muuqaallo iyagoo xiran dareeska ciidamada, arrintaasna aan la aqbali doonin. Waxa uu xusay in waaxda u qaabilsan ciidamada la socodka baraha bulshada ay hadda si dhow ula socdaan falalkaas, isla markaana ay diiwaan geliyeen cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta la xiriira isticmaalka dareeska ciidanka.

“Hay’adaha, shirkadaha, iyo cid walba oo duubta muuqaallo ay ku adeegsadaan dharka ciidamada waxaa waajib ku ah inay helaan oggolaansho rasmi ah, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha isgaarsiinta ee dowladda,” ayuu yiri Afhayeen Cabdifitaax.

Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag u diray milkiilayaasha guryaha ay ku sugan yihiin dhallinyaro duubaya muuqaallo uu booliisku ku tilmaamay kuwo aflagaado ah. Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi iyo milkiilayaasha guryahaasba lala xisaabtami doono.

Ugu dambeyn, Afhayeenku wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen dad lagu eedeeyey anshax xumo, kuwaas oo lagu wado in la horgeeyo maxkamad awood u leh in ay qaaddo kiisaskooda.