Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la qaatay Amiirka Dalka Qadar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada dalka Qadar Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa Amiirka Qadar la wadaagay taageerada buuxda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u hayaan walaalahooda reer Qadar. Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, sharafta, iyo amniga Qadar.

Dhinaciisa, Amiir Tamim bin Xamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay muujiyeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka dhow iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.