Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tegay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira nadaafadda iyo caqabadaha adeeg ee ka jira garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso hagaajinta adeegyada muhiimka u ah bulshada, gaar ahaan kuwa ay si toos ah u la kulmaan muwaadiniinta safarka ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ay dhageysteen, isla markaana ay qaadayaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo baahiyahaas.
“Waxaan ku soo laaban doonaa garoonka laba toddobaad gudahood haddii Alle idmo, waxaana tallaabo laga qaadi doonaa cid kasta oo ka gaabisa inay wax ka qabato adeegyada muhiimka ah, sida mashiinnada iyo nadaafadda guud ee garoonka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka shacabka ku safra garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo si joogto ah uga dayrinaya nadaafad xumida iyo dhibaatooyinka adeeg ee halkaas ka jira.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku muujiyay in dowladdu ay ka go’an tahay in la horumariyo xarumaha muhiimka ah ee adeegyada dadweynaha, si loo xaqiijiyo jawi nadiif ah, ammaan leh, una qalma adeegyada caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.