Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xukun ku riday haweeney la shaqeyn jirtay AS.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay Caasho Macalin Mursal Cali xabsi dhan 16 sano iyo ganaax lacageed oo gaaraya $20,000, kadib markii lagu helay dambiyo culus.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Caasho lagu helay eedeymo la xiriira maalgelinta argagixisada, dhaqidda lacag sharci darro ah, iyo qarinta lacagaha lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Xafiisku wuxuu sidoo kale sheegay in baaritaanno laga sameeyay kiiskii loo haystay ay muujinayaan in akoonkeeda lagu marsiiyay lacag dhan $2.12 milyan, taas oo loo adeegsaday hawlo khatar ku ah amniga, sida qaraxyo, dilal qorshaysan, iyo taageeridda howlaha kooxaha xagjirka ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in akoonada iyo hantida lagu arkay magaceeda la baabi’iyo, lana wareejiyo dowladda, si looga hortago in dib loogu adeegsado falal sharci-darro ah.