Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug, gaar ahaan Saldhigga Booliiska Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa gacanta kusoo dhigay labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Falis Cabdulahi Cali iyo Cabdulahi Cabdilqaadir Ciise.
Dhalinyaradan ayaa lagu tuhunsan yahay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafiyeen muuqaallo si cad ugu gafaya madaxda qaranka, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada hoggaanka dalka. Eedeysanayaashu waxay hadda ku jiraan gacanta Booliiska Caasimadda, waxaana la horgeyn doonaa maxkamad awood u leh, si waafaqsan xeerarka dalka.
Taliska Booliiska Dhuusamareeb wuxuu shacabka ku wargelinayaa cid kasta oo ku howlan aflagaado, dacaayad iyo isku horkeen bulshada in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Waxaan mar kale ugu baaqeynaa shacabka, ciidamada iyo dhammaan bulshada isticmaasha baraha bulshada in ay ka fogaadaan ficillada lidka ku ah amniga iyo kala dambeynta, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Ugu dambeyn, Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug wuxuu digniin adag u dirayaa dhammaan shacabka reer Galmudug in ay ka fogaadaan aflagaadada iyo faafinta muuqaallada dhaawacaya karaamada iyo sharafta madaxda qaranka.