Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug oo ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan xorriyaddii Haween iyo carruur lagu Afduubtay Degaano hoos taga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug ayaa ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan xorriyaddii Haween iyo carruur lagu Afduubtay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Degaano hoos taga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka Ha’adda Nabad Sigada ayaa Howlgalkaan Kaashaday Waxgaradka Deegaanka, maamulka degmooyinka Guriceel iyo Balanbale, iyo sidoo kale degaannada hoos yimaada.

Ugu dambeyn, waxay ku guuleysteen in dadkaasi si nabad ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.