Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo noqon doonta dhisme casri ah oo muhiim u ah kor u qaadista adeegyada waxbarasho ee dalka.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto tayeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira barbaarinta iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed.

“Dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada waxa ay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran in la horumariyo adeegyada waxbarasho, lana casriyeeyo nidaamyada waxbarashada laga bilaabo heerka hoose illaa jaamacadaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu sidoo kale xusay in la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa baahida iyo horumarka caalamiga ah, isagoo hoosta ka xarriiqay in ubadka Soomaaliyeed ay mudan yihiin inay helaan aqoon iyo xirfad la tartami karta dunida.

“Wasaaradda Waxbarashadu waa laf-dhabarta horumarka dalka, waana halka lagu hago mustaqbalka ubadka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Dowladda waxaa waajib ku ah inay hagaajiso goobaha waxbarashada si ardaydu u helaan jawi ku habboon waxbarasho tayo leh,” ayuu raaciyey.