Duqaymo Lagu beegsaday AS oo ka dhacay Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle

Diyaarado aan duulliye wadin ayaa duqaymo culus ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle.
Duqaymahan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada dadka waxyeelladu soo gaartay.

Goobaha ay duqaymahaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah deegaanka Buula-Fulaay, meel u dhexeysa Sariiraha iyo Bu’aale ee Jubbaland, iyo sidoo kale qeybo ka tirsan Shabeelaha Dhexe iyo deegaanno kale oo hoos taga saddexda dowlad-goboleed ee la sheegay.

Warar hordhac ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in weerarradan lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab (AS), kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib, kuwaasoo la sheegay in ay ku sugnaayeen goobaha duqaymaha lala beegsaday.

Duqaymahan ayaa qeyb ka ah howlgallo joogto ah oo ay fuliyaan saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo ka taageera dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan weerarrada cirka. Khasaaraha rasmiga ah iyo faahfaahinta howlgalka ayaa la filayaa in dib laga bixiyo.