Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo Ku Dilay Darawal Gaariga Degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka dhacay fal dil ah oo uu geystay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo toogtay Carab Cali oo ahaa darawal waday gaari nooca loo yaqaan Leyla Calaawi.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu waday mid kamid ah gawaarida u kala goosha Magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka. Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, dilka ayaa ka dhashay muran la xiriiray lacag uu askarigu ka doonayay gaariga, taasoo keentay in murankaasi isu beddelo gacan ka hadal iyo toogasho.

Askarigii falka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda baaritaano lagu doonayo in lagu soo qabto, sida ay sheegeen ilo amni oo ku sugan degmada. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada Kaaraan ayaa gaaray halkii uu falka ka dhacay, iyaga oo bilaabay baaritaanka.

Warbixinnada ayaa sidoo kale muujinaya in darawallada gawaarida u kala gudba Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ay muddooyinkii dambe cabasho ka muujiyeen askar ku labisan dareeska ciidanka dowladda, kuwaas oo lacago sharci-darro ah ka qaata gawaarida. Xilliyo badan waxaa sidoo kale la diiwaan geliyay dhacdooyin jirdil iyo xitaa toogasho ay geysteen askar, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.