Madaxweynaha Turkiga Oo sheegay in Falastiin La Aqoonsan doono Dhawaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in khudbaddiisa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu xoogga ku saari doono xasuuqa ka socda Qasa, isagoo dunida u diraya fariin ku saabsan tacaddiyada halkaas ka dhacaya.

Isagoo ka hadlayay garoonka Ataturk ee Istanbul ka hor safarkiisa New York, Erdogan wuxuu sheegay in khudbaddiisa uu si gaar ah uga hadli doono xaaladda Qasa iyo dadaallada socda.

Wuxuu xusay in shirka sanadkan uu noqonayo mid ka duwan kuwii hore, maadaama dalal badan ay u muuqdaan kuwo aqoonsanaya dowladda Falastiin.

Erdogan ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu la kulmo madaxda caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa Mareykanka iyo Suuriya, si ay uga wada hadlaan arrimaha gobolka Bariga Dhexe iyo dhibaatada shacabka Falastiiniyiinta.