Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska oo maanta fuliyay layli wadajir ah oo lala sameeyay howlgalka Midowga Yurub.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska ayaa maanta fuliyay layli wadajir ah oo lala sameeyay howlgalka Midowga Yurub.

Layliga ayaa diiradda lagu saaray Badbaadinta iyo Raadinta (SAR), Baarista Maraakiibta (VBSS) iyo Isgaarsiinta Badda, iyadoo ujeedadu ahayd kordhinta xirfadda iyo isku-duwidda hawlgallada xeebaha JFS, waxaana hoggaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliya G/Sare, Bashiir Cabdi Qaasim oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ilaalada Xeebaha G/Sare, Xuseen Abuukar Yalaxow
Tallaabadani waxay muujineysaa diyaar garowga Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed ay ugu jiraan fulinta ilaalinta Sharciga Badda ee Soomaaliya iyo Gudashada waajibaadka caalamiga ah ee JFS ka saaran badqabka maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka JFS.