Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo bilihii la soo dhaafay tababar ciidan u marayay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamulka.

Tababarkan oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadidda xirfadaha ciidanimo, adkeynta nidaamka amniga iyo diyaarinta ciidamo u diyaarsan waajibaadka qaranka, ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Galmudug ku xaqiijineyso amniga iyo xasilloonida gobollada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa munaasabadda xiritaanka tababarka ka jeediyay khudbad dhiirigelin iyo dardaaran isugu jirta, isagoo hambalyo u diray ciidamada guusha ay ka gaareen tababarka. Wuxuu xusay in ay tahay waajib qaran in ciidamadu si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, dalkooda difaacaan, isla markaana gacan ka geystaan xoreynta deegaannada wali ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, iyo ehelada ciidamada, kuwaas oo muujiyay dareen farxad iyo dhiiranaan leh.