Meydka Saraakiisha shalay lagu dilay qaraxa miino oo la aasayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, ayaa ka qeybgalay salaada jinaasada oo lagu tukaday maydka Allaah ha u naxariistee Gen. Axmed Abdi Cali (Qalyare) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland, hadana ahaa Taliyaha guutada 2-aad ee Ciidanka ku jiray Hawlgalka Calmiskaad iyo Askari ka tirsan illaaladiisa oo shalay ku shahiiday qarax ay firxadka Argagixisada Daacish ku aaseen wadada Dhasaan ee buuralayda Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa xusay AHUN Gen. Qalyare inuu ahaa Sarkaal wakhti badan kusoo bixiyey difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, marxladkasta iyo duulaankasta oo lagu soo qaado Puntland, hadana wuxuu si firfircoon oo geesinimo leh qeyb uga ahaa Hawlgalka Calmiskaad ka socda. Wuxuuna Allaah uga baryay inuu janadii geeyo, dhammaanteenna Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka , Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland , Guddoomiyaha Gobolka Bari , Guddoomiyaha Degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso. Shuhaadada ayaa maydkooda diyaarad loogu qaaday Garoowe, halkaasi oo aas Qaran loogu sameyn doono.