Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 12-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Dr. Maxamed Nuur Gacal.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ka koobnaa laba qodob:
1. Akhrinta 3-aad iyo ansixinta Hindise-Sharciyeedka Maalgashiga Galmudug.
2. Warbixinta Guddiyada Golaha ee la xiriira kormeerka hay’adaha dowladda iyo xubnaha Golaha.
Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warshadaha ee Golaha ayaa codsaday in la meel mariyo Hindise-Sharciyeedka Maalgashiga, kaddib markii uu soo maray saddexdii akhrin ee dastuuriga ahayd. Guddoomiyaha ayaa cod geliyay, waxaana Golaha si aqlabiyad leh ugu ansixiyay hindise-sharciyeedkaasi.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug ayaa uga mahadceliyay Golaha ansixinta sharcigan, isagoo xusay in wasaaraddu ay bilaabi doonto hirgelinta sharciga, islamarkaana ay qorsheynayso in Galmudug lagu soo jiido maalgashadeyaal, si gaar ah loogu horumariyo mashaariicda waaweyn sida dhismaha Dekedda Hobyo.
Sidoo kale, kulanka maanta ayaa Golaha lagu siiyay warbixino ku saabsan shaqada guddiyada kala duwan ee Golaha, gaar ahaan Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Xasaanadda iyo Xeer-hooska Golaha.