Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa shir jaraa’id ku qabtay Saldhigga Booliiska Degmada Wardhigley, isagoo faahfaahin ka bixiyay tallaabooyin sharci ah oo laga qaaday askar loo haysto falal ka dhan ah sharciga.
Taliyaha ayaa sheegay in afar askari oo ka tirsan ciidanka booliiska la soo qabtay, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay si naxariis darro ah u jirdileen marxuum Axmed Siicow, oo kamid ahaa shacabka ku nool Xaafadda Siinaay ee degmada Yaaqshiid.
Wuxuu intaas ku daray in askartan dhawaan la horgeyn doono maxkamad, si loo marsiiyo cadaaladda, islamarkaana lagu soo oogayo dacwad la xiriirta waxyeelaynta muwaadin shacab ah.
Dhanka kale, Taliye Macalin Mahdi ayaa si kulul uga digay hadallo iyo ficillo uu sheegay in ay ka imaanayaan qaar kamid ah xubnaha mucaaradka, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay hurinayaan colaado iyo isku dhacyo amni darran horseedi kara.