Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo ka tirsan Daraawiishta Puntland, kuwaasoo dhowaan tababar dhameystay, lagu xoojiyay ciidamada ku sugan buuraleyda gobolkaasi oo dagaal kula jira kooxda Daacish.
Ciidamadan ayaa ka ambabaxay magaalada Boosaaso, iyagoo si qarsoodi ah loogu daadgureeyay jiidda hore, halkaasoo lagu wado in ay taageero milatari siiyaan cutubyada horey uga howlgalayay deegaankaas. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidamadan cusub ay yihiin kuwo si gaar ah u tababaran, isla markaana loo diyaariyay hawlgallada adag ee buuraha.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aqbalay codsi uga yimid saraakiisha ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasoo sheegay in ay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah si ay u fidiyaan howlgalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wejigii ugu dambeeyay ee dagaalka la galay, iyadoo ciidamada Puntland ay la wareegeen dhul baaxad leh oo horey ay u maamulayeen kooxda Daacish.
Siciid Deni ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka iyo beesha caalamka in lagu garab istaago howlgalka socda, isagoo xusay in guul laga gaaray wajiyadii hore ee dagaalka, balse ay weli jirto baahi loo qabo taageero dheeri ah si loogu dhammeystiro.