Dekada Muqdisho oo Kaalmaha Hore Ka soo gashay Dekadaha ugu Wax Qabadka Badan Bariga Afrika.

Wax Qabadka Badan Bariga Afrika.
Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa loo aqoonsaday inay yihiin marsooyinka ugu wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.

Qiimeyntan oo lagu saleynayay Halbeegga Container Port Performance Index (CPPI) ayaa lagu ogaadey in dekedahaasi qabteen shaqooyin badan marka loo eego kuwa kale ee gobolka.

Sida war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya lagu sheegay, daraasadda ayaa qiimeysay 407 dekedood oo caalamka ku yaalla, oo ay ku jiraan 47 dekedood oo Afrika ah, iyadoo la eegayay waqtiga markabku ku qaadanayo inuu yimaado dekedda kuna shiraacdo.
Dekedda Muqdisho ayaa noqotay tan ugu sarreysa Bariga Afrika, kuna jirtay kaalinta 163-aad caalamka.

Dekedda Berbera ayaa gashay kaalinta labaad Bariga Afrika, halka caalamka ay ka gashay kaalinta 243-aad.

“Warbixinta halbeegga CPPI ee la shaaciyay 24 Sebteember laguna qiimeeyay 407 dekadood oo adduunka oo dhan ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ah, iyada oo laga eegayay waqtiga ay markabka ku qaadanayso in uu yimaado dekadda kana shiraacdo ayaa dekadda Muqdisho waxa ay noqotay midda ugu horreysa Bariga Afrika halka adduunka oo dhan ka gashay kaalinta 163-aad, sidoo kale Dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo adduunka oo ay ka gashay kaalinta 243-aad, taas oo ka dhigan in ay labaduba ka waxqabad wanaagsanaadeen dekedaha facawayn ee gobolka.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS.