Wasiirka Amniga Gudaha oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay horumarka laga sameeyay amniga caasimadda, tababarrada ciidanka Daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee Barnaamijka JPP (Joint Police Programme), iyo ka hortagga askareynta carruurta.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Danjire Swan taageerada ay Qaramada Midoobay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga, si loo xoojiyo guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo tayeynta ciidamada.

Dhinaciisa, Danjire James Swan ayaa xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada mudnaanta u leh dowladda, sida amniga caasimadda iyo hirgelinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha amni ee dalka.